Muqdisho,(insidesomalia.org)-Kadib markii shalay Magaalada Addis Ababa Madaxda sare ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya heshiis ku kala saxiixdeen, kaasi oo qodob ka mid ah dhigayey in 15 Maalmood gudahood shacabka soo dooran doonaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale ee Dalka ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" oo soo dhoweeyay heshiiskaasi, isagoo sheegay in uu kalsooni ku qabo in la dooran doono isaga.
"Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanaha go'aanka ay gaareen Madaxdeena, waxaana soo dhoweynayaa in dadka xaqooda leh in ay maamulaan oo ay soo istaagaan doorasho xaq ah, Waxaana shacabka ka codsanayaa in ay codkooda i siiyaan"ayuu yiri Maxamed Dheere oo wax fool xumo ah ku tilmaamay in dad doonayey in ay dadka ku cancamiyaan wixii ay doonaan taasoo meesha ka baxday buu yiri.
Maxamed Dheere wuxuu kaloo uu sheegay in 100% uu kalsooni ku qabo shacabka reer Banaadir ee ku nool Banaadir iyo deegaanada ku xeeran.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere wuxuu dhanka kale sheegay in uu xilka sii heyn doono tan iyo inta laga dooranayo Guddoomiyaha gobolka ee shacabka soo dooranayaan xiligaasi oo uu sheegay in uu xilka wareejin doono balse rajo ka muujiyay in uu isagu ku soo bixi oono doorashada dhici doonta.